Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka dhallan kara go'aanka ay Kenya uga baxday kiiska badda?


Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka kenya ayaa maanta daabacay warbixin ku saabsan in dowladda Kenya ay iska diiday in ay ka qeybgasho dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya, taasoo lagu ballansan yahay inay magaalada Hague ay ka bilaabato maalinta berry ah.

Kenya ayaa ka qaybgeli la’aanta ku sababaysay dhowr waxyaabood oo ay ka mid tahay cudurka COVID-19, qareennadeeda oo aan meel iskugu iman Karin cudurka COVID-19, maxkamadda oo ay sheegtay inaysan siinin waqti ku filan oo ay kiiskeeda ku diyaariso iyo qodobo kale.

Hadaba maxaa dhici kara hadii dowladda Kenya ay go’aakeedaasi ay ku adkaysato? maxaase laga filan karaa maxkamadda?

Weriyahayaga Khadar Maxamuud Xareed ayaa arrimahaasi wax ka waydiiyay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee Geeska Africa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG