Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa keenay in madaxda qaar ay Muqdisho la yimaadaan ilaalo xooggan?


Deni oo yimid garoonka Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in dhowaan lagu qabto shir looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay soo gaaray hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada qaar, kuwaas oo watay ilaalo xooggan.

Dadka qaar ayaa si weyn uga hadal hayay ciidamada aadka u hubeysan ee ay magaalada la yimaadeen madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood.

Haddaba maxaa keenay in madaxda qaar ay Muqdisho la yimaadaan ilaalo xooggan? su'aalahaas iyo kuwa kale ayaa waxa uu weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ka weydiiyay Xuseen Macallin Maxamuud oo ah madaxa machad daraaseeya arrimaha amniga ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Hiraal, horayna usoo noqday la taliyaha arrimaha ammaanka ee madaxweynaha.

Waxa uu ugu horreyn weydiiyay sida ay ula muuqato xaaladda ammaanka ee waddanka?

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:36 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG