Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho


Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax caawa fiidkii ka dhacay nawaaxiga Afisyoone ee Muqdisho, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo wareed codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo dhinaca amniga ah.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo lala beegsaday baabuur. Baabuurka ayaa la sheegay inuu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidanka.

Dawladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda rasmi ahaan uga hadlin weerarkan.

Weerarkan waxa uu imanayaa xilli la qorshaynayo in uu shir uga furmo Muqdishu madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada maalmaha soo socda.

XS
SM
MD
LG