BOOSAASO —
Duqii magaaladda Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa iska casilay xilkii kadib markii qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni shaqada looga joojiyay.
Qoraalka madaxweynaha ayuu sidoo kale ku amray Hantidhowrka Guud ee Puntland inay baaritaan ku sameeyaan sida loo maamulay dhaqaalaha dowladda hoose ee Boosaaso.
Faadumo Yaasin Jaamac ayaa warbixintan kasoo dirtay Boosaaso.