MUQDISHO —
Wararka laga helayo ilaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ayaa muujinaya inuu dhacayo wareeg kale oo wada-hadal oo u dhexeeya hoggaamiyaasha dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, laguna qaban doono Muqdisho.
Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray maanta madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland sida ay goobjoogayaal sheegeen, waxaanse weli caddayn taariikhda saxda ah ee shirarku furmayaan.
Labada dhinac ayaa isku khilaafsan qaabka loo maamulayo doorashada, iyadoo ilaa xilligan uusan jirin jadwal doorasho oo lagu heshiiyey.
Weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.
Facebook Forum