KISMAAYO —
Shir looga hadlayay arrimaha ammaanka deegaanada Jubaland ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo kaasi oo soo gababoobay galinkii dambe ee shalay.
Shirkan ayaa waxaa ka qeebgalay saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Amisom waxaana laga soo saaray go’aano lagu adkeynayo ammaanka gobollada Jubooyinka iyo sidii loo qaadi lahaa howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Faah-faahinta warkaas waxaa inoosoo diray wariyaha VOA ee magalada Kismaayo Aadan Maxamed Salaad (Adan Kismaayo).