Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane


Askar ka tirsan Amisom oo ku sugan Xalane
Askar ka tirsan Amisom oo ku sugan Xalane

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee saldhigga u ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in hoobiyayaashu ay ku dhaceen gudaha xerada Xalane, islamarkaana ay gaysteen khasaare hantiyeed. Xerada Xalane ayaa qayb ka ah xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka garoonka ku sugan ayaa VOA u sheegay 5 ilaa 6 madfac inay kusoo dhaceen gudaha iyo nawaaxiga Xalane.

Muuqaallo ay aragtay VOA ayaa muujinaya khasaare isku jira guryo iyo baabuur oo ay sababeen madaafiicda so dhacday.

Hawlgalka AMISOM iyo UNSOM oo labadba deggan Xalane ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Ma aha markii ugu horraysay ee hoobiyayaal lagu weeraro garoonka xerada Xalane.

XS
SM
MD
LG