MOGADISHU —
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii baabuur ee xalay ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda Luul Yemeni ee magaalad Muqdishu.
Af-hayeenka ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay 10 qof ku dhinteen weerarkaas ilaa 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Hase yeeshee, mas’uuliyiinta adeegga ambalaasyada ayaa tirada dhimashada gaarsiiyay 20. Waxaa iyaguna jira warar sheegaya in dad ay dhaawacyadii soo gaaray ugu dhinteen cisbitaallada.
Weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa sida ay wax u dhaceen ka waraystay Cabdirisaaq Cabdullaahi oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa maqaayadda Luul Yemeni markii u weerarku dhacay.
Facebook Forum