Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AFRICOM oo ka Warbixisey Weerarrada Africa


Warbixin qiimayn ah oo ka soo baxday Taliska Ciidamada Maraykanka u qaabilsan Africa ayaa faahfaahin ka bixisay weerarrada ay ciidanka Maraykanku ka fuliyeen qaaradda Africa iyo tirada khasaaraha ee soo gaadhay dadka rayidka ah ee la soo wariyay.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee qiimeynta khasaaraha rayidka oo ku ekayd 31-kii Dececember ee sanadkii hore 2020, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaare soo gaaray dad rayid ah, wuxuuna xiray labo ka mid ah seddex kiis oo furan.

Warbixintan ayaa noqonaysa tii afaraad ee qiimeynta khasaaraha rayidka tan iyo markii Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabay sii deynta warbixinnada bishii April ee 2020-kii, taasoo qeyb ka ah ballanqaadkeeda kordhinta daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Taliska ciidmada Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in dhawaan uu helay laba warbixin oo ku saabsan khasaaraha rayidka tan iyo markii la dhameystiray warbixintan.

Warbixinnadan cusubi waxay ka imanayaan laba weerar oo cirka ah oo la kala qaaday Jan.1, 2021 iyo Jan. 19, 2021. Labadan warbixin ayaa hadda la qiimeynayaa waxaana looga hadli doonaa warbixin seddex biloodle ah oo mustaqbalka ah.

Sida ku xusan warsaxaafaded uu bishii January soo saaray Taliska ciidmada Maraykanka ee Africa, talisku wuxuu dhameystiray awaamiirtii madaxweynaha ee ahayd in ciidamada Mareykanka laga soo celiyo Soomaaliya oo la geeyo meelo kale oo ka tirsan Bariga Africa.

XS
SM
MD
LG