Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay


Aamin Ambulance
Aamin Ambulance

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance.

Qaraxa ayaa ka dhacay bannaanka hore ee maqaayadda Luul Yemeni oo u dhow dekedda magaalada Muqdisho ee degmada Xamar Jajab.

Guryo ka ag dhow goobta ayaa la sheegay inay dumeen, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Qaraxa waxa sababay baabuur ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa.

Bishii August ee sannadkii hore ayey ahayd markii qof is miidaamiye ah uu weeraray isla maqaayaddaas.

XS
SM
MD
LG