KISMAAYO —
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa waxaa dib looga howlgaliyay xaruntii karantiilka oo mudo xerneyd, xilli ay sii kordhayaan tirada dadka laga helayo cudurka COVID-19.
24-kii saac ee lasoo dhaafay illaa 6-kiis oo cudurka COVID-19 ah ayaa laga diiwaan geliyey Jubaland, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta wasaarada caafimaadka ee maamulkaasi.
Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintan Kismaayo kasoo diray.
Facebook Forum