Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Federaalka 'oo ogolaatay' in dibad-bax uu ka dhaco Daljirka Dahsoon


Kulankii Rooble iyo Musharaxiinta ee Muqdisho ka dhacay
Kulankii Rooble iyo Musharaxiinta ee Muqdisho ka dhacay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ogolaatay “codsi ka yimid” Midowga Musharaxiinta oo ku saabsanaa in dibad-baxa la qorsheeyey Sabtida uu ka dhaco fagaaraha Daljirka Dahsoon.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraal ayaa sidoo kale lagu sheegay in xukuumadda ay markii hore soo jeedisay in dibad-baxa uu ka dhaco garoonka Injineer Yariisow, balse Mucaaradka ay ku adkeysteen taallada Daljirka.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay arrintan ogolaatay “ayada oo tixgelineysa” heshiisyadii ay gaareen xukuumadda iyo Midowga Musharaxiinta.

“Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

XS
SM
MD
LG