Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Musharaxiinta oo 'xagal-daacin' ku eedeeyey Farmaajo


Midowga Musharaxiinta
Midowga Musharaxiinta

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu xagal-daacinayo wada-hadallada ay kula jiraan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey war qoraal ah oo xalay kasoo baxay madaxtoooyada Soomaaliya oo sheegayay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu marti-gelin doono munaasabad lagu soo gunaanadayo dadaalladii iyo wada-hadalladii ku saabsanaa doorashada.

Shirkaasi ayuu Farmaajo iclaamiyey inuu dhacayo 4-ta bishan March, oo ah isla maalinta ay mar kale kulan u ballansan yihiin Rooble iyo Midowga Musharaxiinta.

“Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay inuu ka digayo cawaaqib xumida ka dhalan karta in la fashaliyo wada-hadalladaas, wuxuuna ku baaqayaa in fursad la siiyo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan durba ka jawaabin eedeynta uga timid Midowga Musharaxiinta.

XS
SM
MD
LG