Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble oo magacaabay guddi qaban-qaabiya dibad-bax iyo mid baara dhacdadii 19-February


Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay inay ku heshiiyeen xilliga la qabanayo bannaanbaxa mucaaradka iyo qabanqaabada bannaanbaxaasi.

Kadib kulan labaad oo ay maanta ku yeesheen Hotelka Decale ee magaalada Muqdishu ayey ku sheegeen in bannaanbaxa uu dhici doono malinta Sabtida ah ee soo socota ee 6-da bisha Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi iskugu jira dawladda iyo mucaaradka oo ka shaqeeya qabanqaabada bannaanbaxan kuwaasi oo kala ah:

Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga, Cumar Maxamud Filish, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Cabdraxmaan Yuusuf Al-Caddaala, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo ka socda dhinaca dowladda, iyo Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame Daahir Maxamuud Geelle iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo wakiil ka ah madasha musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble uu magacaabay guddiga baaritaanka dhacdadii 19-ka Febraayo kuwaasi oo kala ah:

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Gaashaanle Sare Maxamed Cabdulqaadir Xaaji, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise, Gaashaanle Dhexe Yaasin Cabdullaahi Maxamuud iyo Xuseen Macalin Maxamuud.

XS
SM
MD
LG