Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye lagu dilay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo


Koox hubaysan ayaa Waqooyiga Gaalkacyo ku dilay wariye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa wariyaasha gobalka Mudug.

Jamaal Faarax Aadan oo in muddo ah kasoo shaqeeyay qaybaha warbaahinta deegaanada Puntland, islamarkaana mar soo noqday maamulka idaacadda Daljir qaybteeda Gaalkacayo ayaa mudda ka maqnaa saaxada saxaafadda.

Dilka Jamaal Faarax Aadan oo ka dhacay goob ganacsi oo uu marxuumku ku lahaa xaafadda Siinaay, ayaa sida ay gobjogayal u shegeen VOA, waxaa gaystay laba dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubaysan

Laamaha amniga gobalka Mudug ee dhanka Puntland oo goobta gaaray ayaa billaabay howlgal balse ma aysan sheegin cid loo qabtay dilka.

Ururka isu-tagga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa cambaareeyey dilka weriyaha.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG