Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble iyo Midowga Musharaxiinta oo ku shirsan Muqdisho


Rooble iyo Musharaxiinta
Rooble iyo Musharaxiinta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in maanta kulan uu dhex-marayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Midowga Musharrixiinta, kaasi oo looga hadli doono sii amba-qaadista heshiiskii 25-kii bishan ay ku gaareen dhinacyadu magaalada Muqdisho.

Heshiiska ay gaareen dhinacyada ayaa ahaa mid lagu dejinayey xaaladda kacsanayd ee ka dhalatay bannaan-baxa ay ku baaqeen mucaaradku iyo qalaalisihii dhacay 19-kii Febraayo.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay qalalaasahaasi, waxaana ay uga tacsiyeysay shacabka Soomaaliya iyo Midowga Musharrixiinta, iyadoo sidoo kale la isku afgartay in loo saaro guddo soo baara dhacdadaas.

Heeshiiskaasi Khamiistii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale dhigayey dib loo dhigo bannaan-bixii ay qorsheeeyeen mucaaradka kaasi oo dhici lahaa 26-kii Febraayo, waxaana hadda lagu ballamay inuu bannaanbaxaasi ku dhaco 10 maalmood gudahood. Dawladda Soomaaliya ayaa ballan-qaadday inay oggolaato inuu dhaco bannaan-bax, sida uu dhigayo dastuurka.

Mas’uuliyiinta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaan faah-faahin ka bixin ajandaha shirka maanta. Ka sokow heshiiska laga gaaray bannaanbaxa midowga musharrixiinta, waxaa dhinacyadu ay weli ku kala aragti duwan yihiin sida loo maaraynayo doorashada iyadoo aan la iskuraacin jadwal la wada oggol yahay.

XS
SM
MD
LG