MUQDISHO —
Qarax ayaa saaka saacadihii hore ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka.
Qaraxa oo lala beegsaday baabuur uu la socday taliyee ku-xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Dhibaca kale, qarax kale ayaa ka dhacay xaafadda Daarasulam ee degmada Yaaqshiid, kaasi oo lala beegsaday baabuur uu la socday guddoomiyaha degmada. Lama sheegin khasaare ka dhashay.
Warbixintan waxaa Muqdisho soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Facebook Forum