Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha musharrixinta mucaaradka ayaa maanta ku kulamay hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaraha Muqdisho.
Kulankan ayaa labada dhinac ay diirada ku saareen xiisadda u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ee ku aadan qabashada dibadbax ay ku baaqeen mucaaradku.
Shirkan ayaa imanaya ayada oo Midowga Musharrixiintu ay maanta soo saareen qoraal ay ku dalbanayaan in madaxweyne Farmaajo uu talada ku wareejiyo gole qaran oo KMG.
Waxaa sidoo kale socda dadaallo la doonayo in xal looga gaaro qalalaasaha siyaasadda ee Soomaaliya, ayada oo wakiillada Beesha caalamka ay maanta kulamo la leeyihiin dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha midowga Musharrixiinta.
Wararkii u danbeeyey waxaa Muqdisho nooga soo dirtay Seynab Abuukar.