—
Alle ha unaxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa hogaamiyaasha dhaqanka Soomaalida kuwooda ugu caansan.
Sida ay VOA u xaqiijiyeen dad ehel la ah, Ugaaska ayaa maalamahii lasoo dhaafay Muqdisho ku xanuunsanayay, xanuunkaasoo ugu danbeyntii sababay geeridiisa.
Ugaas Xasan ayaa maamuuska Ugaasnimo loo caano shubay bishii July sannadki 2016-ki, kaddib geeridii walaalkii, Ugaas Abdirahman Ugaas Khaliif.