Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey


Xasan Xundubey
Xasan Xundubey

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inaysan oggolaan doonin bannaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho. Dawladda waxay sheegtay in sideedii u taagan tahay amarkii lagu joojinayey isu-imaatinka.

Hadalkan waxaa sheegay Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo goor dhowayd ka hadlayey shir jaraaid oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in la joojiyey bannaanbax haddii uu yahay mid lagu taageerayo dawladda iyo mid looga soo horjeedaba labadaba. Waxa uu sheegay in bannaanbax uu yahay sharcidarro. Waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in isku soo bax la sameeyo. Waxa uu sheegay in dawladda iyo kuwa aan dalwadda ahaynba ay adeegsadaan warbaahinta si ay warkooda u gaarsiiyaan dadka.

Maalintii Isniinta ayey Golaha Midowga Musharrixiintu sheegeen inay qabanayaan bannaanbax maalinta Jimcaha ee 26-ka Febraayo. Bannaanbaxii kan ka horreeyey ee ay ku baaqeen mucaaradka 19-kii Febraayo ayaa qalalaase hadheeyey kadib markii iska horimaad dhacay, iyo weliba rasaas.

Wareysi arrintaas ku saabsan ayaa Falastiin Axmed Iimaan ay la yeelatay Wasiir Xasan Xundubay Jimcaale.

Wareysi: Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:35 0:00



XS
SM
MD
LG