Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Musharaxiinta oo ku dhowaaqay dibadbax kale


Midowga Musharaxiinta
Midowga Musharaxiinta

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa mar kale ku baaqay inay qabanayaan bannaanbax nabadeed oo ka dhacaya taalada Daljirka Dahsoon. Hadalkan ayey kaga dhowaaqeen shir saxaafeed ay maanta ku qabteen Muqdisho.

Bannaanabaxii ay hore ugu dhowaaqeen musharraxiinta maalintii Jimcaha ee 19-ka Febraayo ayaye hadheeyeen iska horimaadiyo rasaas ka dhacday magaalada.

Dawladda Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore joojisay isu imaatinnada ayada oo taasi ku sababaysay ka hrotagga faafitanaka xanuunka COVID-19.

Dhinaca kalena, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhowayd soo saartay war saxaafadeed ugu baaqay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland inay kasoo qaybgalaan shirarka ka socda Muqdisho ee lagu dhamaystirayo heshiskii 17-ka Sebtember.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Midowga Musharaxiinta oo ku dhowaaqay dibadbax kale
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:45 0:00


XS
SM
MD
LG