MUQDISHO —
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fannaanadii caanka ahayd ee Faadumo Cali Jaamac Nakruuma ay maanta ku geeriyootay cisbitaalka Martiini.
Mid ka mid ah dhakhaatiirta cisbitaalka ayaa VOA u sheegay in fannaanada ay u geeriyootay xanuunka Covid-19.
Fannaanada oo can ku ahayd mgaca “Nakruuma” ayaa ka mid ahayd 12 gabdhood oo lagu aasaasay hobollada Waaberi.
Nakruuma ayaa ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb, waxayna fanka kusoo biirtay sannadihii lixdamaadkii.
Faadumo Cali Jamaac Nakruuma ayaa intii aysan fanka kusoo biirin waxay ka mid ahayd ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Facebook Forum