MOGADISHU —
Maanta waxaa uu mar kale dib u dhac ku yimid kullankii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku baaqay in Muqdisho ay isugu yimaadaan mar kale madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Shirkan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada lagu doonayo in lagu xalliyo muranka ka dhashay qabashada doorashada ee keenay dib u dhaca siyaasadeed iyo in uu dhamaado muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah.
Dib u dhacay ayaa imaanaya iyadoo shalay ay shaqaaqo ka dhacday Muqdisho.
Haddaba, wararkii ugu dambeeyay ee siyaasadda Soomaaliya iyo xaaladda Muqdisho waxaa warbixintan nooga soo diray wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.