Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo shir kale isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada


Madaxweynaha Soomaaliya ee xilkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyadda iyo gobolka Banaadir, shirkaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirkan wadatashiga ah uu socon doono in u dhaxaysa 18-ka illaa 19-ka bishan Febraayo ee 2021.

Shirkan ayaa yimid kadib markiii Guddiga farsamo ee ka kala socday dowlad goboleedyada, dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir ee ku shirsanaa magaalada Baydhaba ay xal ka gaareen arrimaha la isku hayay ee doorashada Soomaaliya.

Warkan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.

shirka dowladda iyo maamul goboleedyada
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:49 0:00


XS
SM
MD
LG