Magaalada Muqdisho waxa habeen hore xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay hooyo lahayd uur 8 bil ah, kadib markii la dhigay Isbitaalka Martiini, oo ah halka la geeyo bukaanada qaba xanuunkan.
Maxamed Caafi oo ah Seyga ay ka geeriyootay haweeneydan ayaa sheegay in loo badbaadin waayey xaaskiisa sababo la xiriira Isbitaalkii la geeyey oo aan lahayn agab lagula tacaali karo COVID-19.
Maxamed Caafi ayaa weriye Sahra Cabdi Axmed uga waramay dhibaatooyinkii ay la kulmeen iyo xaaladda xanuunka COVID-19 ee magaalada Muqdisho.