MUQDISHO —
Is-afgaran waaga u dhaxeeya siyaasiyiinta Soomaaliya ee ka taagan hirgelinta doorashada dalka xilli uu dhammaaday wakhtigii hay'adihii dastuuriga ahaa, ayaa walaac ku haya inta badan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada oo dhibaatooyin adag kala kulmay colaadihii sokeeye.
Qaar badan oo dhalinyarada kamid ah ayaa soo jeedinayaan in madaxda ka hadleysa masiirka dalka aysan ka bur burin mustaqbalka ay naawilayaan, sida uu warbixintaan ku eegayo weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow.
.