Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19


Fowsiya
Fowsiya

Dawladda Soomaaliya ayaa soo saartay tallaabooyin cusub oo lagu xakamaynayo cudurka Coronavirus iyadoo dhinaca kale ay sii kordhayaan xaaladaha cudurkaasi.

Wasiirka caafimaadka Foosiya Abiikar Nuur ayaa warbaahinta u sheegtay in 48 saac ka yar ay cisbitaalka Martiini ku dhinteen 15 qof, waxayna sheegtay inay muhiim tahay in talooyinka caafimaadka la raaco.

Wasiirka warfaafinta Cusmaan Abukar Dubbe ayaa isna sheegay in dawladda go'aamisay dhowr tallaabo oo ay ka mid yihiin in la fasaxay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda marka laga reebo kuwa ma huraanka ah, iyo in la joojiyey isu imaatinnimada. Waxaa sidoo kale uu wasiirku sheegay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmin ay xirtaan af-saar, in la joogteeyo kala fogaanshaha iyo in la yareeyo isku socodka gobollada iyo safarrada laga maarmi karo.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubay Jimcaale oo isna ka jawaabayey su'aal ay warfidiyeenku ka weydiiyeen bannaanbaxa maalinta Jimacaha ka dhacaya Muqdisho ayaa sheegay inaan lagala soo xiriirin bannanbaxa, waxaase uu sheegay inay ka mid yihiin isu imaadka guud.

XS
SM
MD
LG