Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga farsamada doorashooyinka oo heshiis gaaray


Shirka Baydhaba

Guddiga farsamo ee ka kala socday dowlad goboleedyada, dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir ee ku shirsanaa magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay xal ka gaareen arimaha la isku hayay ee doorashada Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in qodobada ay xalka ka gaareen ay ka mid yihiin; xal u helidda guddiga doorashada kuraasta Somaliland, xaaladda gobolka Gedo, adkaynta qoondada haweenka iyo jadwalka qabsoomidda doorashada.

Guddiga ayaa intaas ku daray in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay u gudbin doonaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo ay soo jeediyeen inay kulmaan 18-ka bishan.

Warbixintan waxaa Baydhaba kasoo diray wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:45 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG