BAYDHABA —
Maanta oo ay bishu tahay 15-ka February waa maalintii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegey inay kulmaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, si heshiis looga gaaro qodobada la xiriira doorashada Soomaaliya ee la isku mari waayey kulankii ugu danbeeyey ee Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaley magacaabey gudi heer wasiiro ah oo ka kala socda dowlada federaalka, gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada. Gudigaas ayaa la filayaa in maanta uu shir uga billowdo magaalada Baydhaba.
Haddaba maxaa laga filayaa kulanka la qorsheynayo inuu Baydhabo ka Furmo?
Falastiin Axmed Iiman ayaa diyaarisay warbixin arrintan ku saabsan.