MUQDISHO —
Mas’uuliyiinta mucaaradka dawladda Soomaaliya ayaa ku baaqay bannaanbax nabadeed oo ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo lagu dalbanayo inay dalka doorasho ka dhacdo.
Hadalkan ayey kaga dhowaaqeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho.
Doorashada Soomaaliya ayaan weli heshiis laga gaarin kadib markii madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ay kusoo kala tageen shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Dhuusamareeb.
Faah-faahinta warkan waxaa inoo haya weriyahayaga Xasan Kaafi Qoyste.
Facebook Forum