Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICJ oo diiday codsigii Kenya ee dib u dhigista dacwadda badda


Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ayaa diiday codsigii ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda kuna dalbatay in dhagaysiga dacwadda labada dal ee loo ballansan yahay 15-ka March dib loo dhigo.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Maxkamdda ICJ ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay maxkamaddu eegtay qoraallada ka soo gaaray labada dal ay go’aansatay in aan la bedelin waqtiga loo qorsheeyay in dacwadda la qabto oo ku beegan 15-ka bisha March. Dhagaysiga ayaa ku dhici doona qaabka fogaan aragga ah, sida ay maxkamaddu qoraalkeeda ku sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan u gudbisay Maxkamadda ICJ in aysan ka qeybgali karin dhagaysiga loo ballansan yahay bisha danbe, iyadoo sheegtay in cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn ku yeeshay howlihii guddiga qareennada ee ku matalaya dacwadda hortaalla maxkamadda.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Maxakadda Caalamiga ah ee ICJ ay shalay galab ku soo wargelisay in codsigii Kenya ee dib u dhigista kiiska aysan aqbalin.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Dowladda Somaliya Mahdi Guuleed oo shir Jaraa’id galabta ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay go'aankan soo dhoweyneyso.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Cumar Cabdulle.

Halkan ka dhagayso Soomaaliya oo soo dhoweysay go'aanka ICJ
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:32 0:00


XS
SM
MD
LG