MUQDISHO —
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo is-mari waaga ka taagan qabashada doorashooyinka Soomaaliya kadib markii ay heshiis gaari waayeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Haween badan oo Soomaaliyeed ayaa ka baqdin qaba in khilaafyadan siyaasadeed ay horseedaan xasillooni darri amni oo saameyn ku yeelata nolosha.
Haweenka ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada is haya iney ay isu tanaasulaan oo xal ay ka gaaraan is-mari waaga dhexdooda ah.
Warbixintan waxaa Muqdisho kas diray Cabdicasiis Axmed Barrow