HARGEYSA —
In ka badan toban waddan iyo Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saareen kaga hadlay doorashooyinka Somaliland ee lagu wado inay qabsoomaan dabayaaqada bisha May ee soo socota.
Waddamadan, oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Britain, ayaa soo dhaweeyay in doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanku ay waqtigaasi dhacaan.
Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arrintan ka waraystay Dr. Maxamed Faarax Xirsi, oo ah gudoomiyaha akaadimiyadda nabadda iyo horumarka Somaliland, oo sidoo kale maanta soo saartay warbixin ay kaga hadleen doorashooyinka Soomaaliya.
Waxaana uu ugu horeyn weydiiyay war-saxaafadeedka ay soo saareen wadamada taageera hanaanka dimuqraaddiyada Somalialnd.