MUQDISHO —
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee waqtigu ka dhamaaday Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la hadlayay baarlamanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada.
Rooble ayaa sidoo kale baarlamanka uga warbiyey wixii u qabsoomay xukumaddiisa 100-ka maalmood ee uu xafiiska joogay.
Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan kasoo dirtay magaalada Muqdisho.