Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo jeediyay in shirka uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo inuu 15-ka Febraayo ka dhaco Garoowe lagu qabto, magaalada Muqdisho.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in shirkaas la ballaariyo oo ay ka qeyb-galaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, beesha caalamkana ay goobjoog ka noqoto.
Puntland ayaa qoraal ay xalay soo saartay, oo ay ku sheegtay inaan shirka lagala tashin, ku tiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”
Sidoo kale Jubaland ayaa qoraal maanta kasoo baxay ku tiri “Jubaland waxay tixgelin siinaysaa kana qayb galaysaa shirka lagu baaqay 15-ka Feebaraayo 2021. Waxayna soo jeedinaysaa in uu ku qabsoomo Muqdisho, lana balaadhiyo madasha, maaddaama muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah uu dhammaaday.”
Dhinaca kale, guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isna war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku baaqay in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho islamarkaana la ballaariyo ka qeyb-galayaashiisa, beesha caalamkana ay goobjoog ka noqoto.
“Waxaan soo dhowaynayaa soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15-ka Febraayo 2021 uu ka dhoco magaalada Mugdisho ayna kasoo qayb galaan, saamilayda siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka ah, goobjoogna ay ka ahaadaan beesha caalamka; si looga arrinsado badbaadada Dalka, heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.