Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Shariif oo jeediyey digniino la xiriira xaaladda dalka


Sheekh Shariif
Sheekh Shariif

Hoggaamiyayaasha musharrixiinta mucaaradka, oo galabta shir jar’aaid ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay muddadii ka dhammaatay, waxayna ku tilmaameen nasiib darro inaan lagu heshiin qaabkii doorasho waddanka uga dhici lahayd.

Hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaan la aamini karin in madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee Farmaajo uu dalka ka qaban karo doorasho, sida uu hadalka u dhigay.

Shariifka ayaa sidoo kale ka digay inay dalka ka dhacdo muddo kororsi aan lagu heshiin, wuxuuna ciidamada qaranka ugu baaqay inaysan dhageysan awaamiirta madaxda waqtigu ka dhacay.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo soo diray.

Sheekh Shariif oo jeediyey digniino la xiriira xaaladda dalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:33 0:00


XS
SM
MD
LG