Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Faragelin Shisheeye ayaa ku Jirta Doorashada


Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal u jeediyay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii uu fashil ku dhammaaday shirkii ay madaxda Soomaalidu ku lahaayeen magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa hortagay baarlamaanka saacado uun ka dib markii uu wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya ku dhawaaqay in isfaham la’aan u uku dhamaaday shirkii magaalada Dhuusamareeb ee madaxda DF iyo kuwa Dowlad-goboleedyadu ay uga xaajoonayeen arrimaha la isku khilaafsan yahay ee doorashooyinka.

Khudbadda ayuu madaxweynuhu diiradda ku saaray wadaxaajoodyada muddo soo scday ee arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga soo gudbay kala duwanaansho habka doorashada ah oo ay qabeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in isagu uu doonayay in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka dhacdo, laakin waxa uu sheegay in uu mowqifkaasi ka tanaasulay ka dib markii ay diidmo uga timid qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.

Heshiiskii ay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu gaareen 17-kii bishii September ee 2020-kii ayuu si gaar ah u sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu ahaa mid ay qorteen dowlad-goboleedyadu oo uusan isagu wax talo ah ku laheyn.

“Madaxda maamul goboleedyada ayaa qortay heshiiskii 17-kii September. Anigu wax talo ah kuma aanan lahayn. Waan u tanaasulay. Laba qodob oo aan ku darsadayna waa iga diideen. Waxaa qoray heshiiskaas Siciid Cabdullaahi Deni, inta kale waa daawanayeen, waana xaqiiqo,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland in ay diidmo ka keeneen dhaqangelinta heshiiskaasi, islamarkaana ay ka caga jiideen in ay soo gudbiyaan xubnihii guddiyada doorashada uga mid noqon lahaa.

Farmaajo ayaa soo hadal qaaday shirkii Dhuusamareeb ee fashilka ku soo dhamaaday, isaga oo xusay in ay wali jirto rajjo ah in la isku soo laabto oo laga gudbo caqabadaha fashilka keenay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna arrimaha doorashada ay faragelin shisheeye ku jirto. Ma uusan carabaabin shisheeyaha faragelinta wada iyo cidda ay adeegsanayaan.

"Xaqiiqatan, waxaan idiin sheegayaa arrimaha doorashooyinka, iyo guud ahaanba xaaladda Soomaaliya ay ku jirto, waxaa ku jira faragelin shisheeye. Anigu marna ma oranaayo hebel iyo gobol hebel ayay faragelintu ku badan tahay ama ku yar tahay. Laakin xaqiiqada jirta taas weeye oo aad moodeyso in aysan waxba noogu hagaageyn," ayuu yiri.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday xubnaha baarlamaanka in ay qeyb ka qaataan in ay la hadlaan madaxda dowlad-goboleedyada, ayna ku cadaadiyaan in ay dib ugu soo laabtaan meel marinta heshiiskii 17-kii September ay dhinacyadu gaareen, isagoo xusay in maamulkiisu uu diyaar u yahay ku dhaqanka heshiiskaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Baarlamaanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:30 0:00


XS
SM
MD
LG