Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gud. Mursal: Ma Jirto Wax Muddo Kororsi ah


Maxamed Mursal
Maxamed Mursal

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan jirin muddo kordhin.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in fadhiga maanta ee baarlamaanku uu u gaar yahay Golaha shacabka, Waxa uuna hoolka shirka ka saaray senator ka tirsan Aqalka Sare oo fadhiga soo xaadiray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa codsaday shirka baarlamaanka si uu fadhiga uga jeediyo khudbad ka hadleysa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle oo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa dood kooban dhex dhigay xildhibaanada qaar ee shirkan ka qeybgalaya.

Gud. Mursal: Ma jirto muddo kordhin
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:47 0:00


XS
SM
MD
LG