Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa Sababey Burburka Shirkii Dhuusamareeb?


Waxaa natiija la,aan ku soo gaba gaboobay shirkii magaalada Dhuusamareeb ee u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada. Qodobka ugu weyn ee la isku mari waayay ayaa ahaa arrinka gobolka Gedo.

Beesha caalamka ayaa dadaal balaaran gelisey sidii uu kulanka Dhuusamareeb u noqon lahaa miradhal, oo xal laga gaaro nidaamka doorashada Soomaaliya oo markii ugu horeysey mudo 20 sano ah uu mugdi soo galey suurtagalnimada sida doorasho loo dhan yahay ay ku dhici karto.

Dhinaca kale, waxaa xalay fariimo loo diray mudanayaasha Baarlamanka loogu sheegay in ay kulan isugu yimaadaan maanta taasi oo uu madaxweynuhu codsadey, lamana sheegin waxa uu madaxweynuhu kala hadli doono.

Waxaa xalay laga dareemaayay magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan kulanka la filayo in uu madaxweynuhu ku hor yimaado Baarlamanka muddo xileedkiisu dhamaaday.

Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan ku eegeysa kulanka Dhuusamareeb.

Muxuu u Fashilmey Shirkii Dhuusamareeb
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00


XS
SM
MD
LG