Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirki Dhuusamareeb oo Natiijo La'aan soo Xirmey


Shirki magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo gabgaboobey natiijo la,aan. Waxaa guuldareystey dadaalo la doonayey in xaley ay dhinacyadu isugu soo laabtaan miiska wadahadalada. Madaxweynaha ayaa la filayaa in saaka uu dib ugu soo laabto Muqdisho, inkastoo ay dhici karto in beesha caalamka ay culeys ku saaraan in aan Dhuusamareeb lagu kala tegin ilaa xal laga gaaro. Arrinka gobolka Gedo ayaana ahaa qodobka la isku mari waayey ee keeney inuu kulankaasi natiijo la'aan ku dhamaado.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa maalmihii dhawaa culeys ku saaraayey in masuuliyiinta ku shirsan Dhuusamareeb ay xal gaaraan si loo qabto doorasho loo dhan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa warbaahinta u sheegey goordhow in arrinta gobolka Gedo la isku mari waayey.

Warbixintan Waxaa Dhuusamareeb ka soo direy wariyaheena Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq

Shirki Dhuusamareeb oo Natiija La'aan Soo Xirmey
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00


XS
SM
MD
LG