Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maalinti sadexaad ka socda shirkii madaxdaxwaynayaasha maamul goboleedyada, gobolka banaadir iyo madaxwayanaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.
Ilaa iyo shalay waxaa saacad walba la filayay in shirka heshiis lagu gaaro oo ay wax ka soo baxaan, laakiin illo ku dhow dhow shirka waxay VOAda u sheegeen in qodob la xiriira arrinta gobolka Gedo la isku mari la’ayahay.
Hadbaa wararkii ugu dambeeyay ee shirka waxaa Dhuusamareeb nooga soo diray. Wariyaha VOAda Cabdiwaxid Macalin Isaaq.