Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Wasiirka Beeraha Somalia


Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ayax fara badan uu haatan dhibaato xoog leh ku hayo gobollada beeraleyda ah ee Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Ka dib kullan ay wasaaradda Beeraha ee dowladda Soomaaliya, Wasaaradaha beeraha ee maamul goboleedyadaas iyo hey’adda cunta iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (FAO), ku yeesheen Muqdisho shalay. Ayey maanta soo saareen war murtiyeed ku dhawaaqaya xaalad degdeg ah oo la xiriirta ayaxan dhibaatada ku haya sadexdan maamul.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxaan la xiriiray wasiirka Beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, wuxuuna wasiirku ugu horreyn ka hadlayaa sababaha keentay xaaladda degdega ah ee ay dowladdu ku dhawaaqday.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:01 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG