Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu heshiis lagu gaaro Dhuusomareeb ka beddeli karaa xaaladda dalka?


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmo kooban ay ka harasan yihiin muddo xileedka madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Waxaa sidoo kale horey u dhamaaday waqtiga baarlamanka Soomaaliya.

Hadaba heshiis ay gaaraan madaxda ku shirsan Dhuusamareeb muxuu ka beddeli karaa xaaladdii cakirneyd ee siyaasadda Soomaaliya?

Su’aalahaas iyo iyo kuwo kale ayuu Maxamed Colaad Xassan hordhigay Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo ah barre culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Qatar, ahna qoraa ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

Muxuu heshiis lagu gaaro Dhuusomareeb ka beddeli karaa xaaladda dalka?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00


XS
SM
MD
LG