DHUUSAMAREEB —
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa maalintii labaad ka socda shir ay leeyihiin madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Ilo ku dhow shirka ayaa VOA-da u sheegay in guulo ah laga gaaray qaar ka mid ah qodobadii ay dhinacyadu sida weyn isugu hayeen, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo, soo xulidda xubnaha xildhibaanada baarlamanka ee gobolladii Waqooyi ama Somaliland, iyo wax ka bedelka xubnaha guddiga doorashada ee ay dowladda Soomaaliya soo xushay.
Dhinacayada ayaa ku howlan sidii loo gunaanadi lahaa qodobada qaar, islamarkaana loo soo saari lahaa heshiis dhameystiran.
Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa warbixintan kasoo diray Dhuusamareeb.
Facebook Forum