Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Jeneraal Xuud iyo kuwa dowladda oo ku dagaalamay Beledweyne


Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne
Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne

Dagaal kooban ayaa maanta magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo hubeysan oo ka amar qaata Jeneral Xuud.

Sida ay sheegeen dadka deggan magaalada, dagaalka ayay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadii kala duwan, waxaana rasaasta laga maqlayay guud ahaan magaalada iyo hareeraha magaalada.

Saraakiisha dowladda ayaa ku eedeeyay Jeneral Xuud inuu weerar ku soo qaaday magaalada, halka afhayeen u hadlay Jeneral Xuud uu sheegay in ujeedkoodu uu ahaa in xabsiga magaalada ay ka sii daayaan dhallinyaro taageersan sida uu hadalka u dhigay kacdoonkooda.

Sarakiisha dowladda oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalka ay baaris ku hayaan dibna ay ka soo sheegi doonaan.

XS
SM
MD
LG