Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Dhuusamareeb 4 oo si rasmi ah u furmay


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Shir ay leeyihiin madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo looga hadlayo sidii xal loogu heli lahaa is-mari waaga ka taagan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, kulankii maanta ayaa xubnaha ka qeyb-galaya ay uga hadleen dadaallada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Shirkan ayaa imanaya ayada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin guddiyada doorasho ee dowladda ay soo magacowday, iyo ciidanka dowladda ee jooga gobolka Gedo, oo Jubaland ay shuruud uga dhigtay inay ka baxaan halkaas inay doorasho qabato.

Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa warkan kasoo diray magaalada Dhuusamareeb.

Shirka Dhuusamareeb 4 oo si rasmi ah u furmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00


XS
SM
MD
LG