Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh/Hoose: Weerar jidgal ah oo lagu dilay 7 askari iyo laba darawal


Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerer jidgal ah uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas.

Weerarkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooge dhinaceed Galbeed ee waddada aadda Wanlaweyn.

Sida ey inoo sheegeen dad goob joogayaal ah, weerarka waxaa ku dhintay 9 qof oo laba ka mid ah ey ahaayen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee dhuxusha qaada. Toddobada kalena waxa al sheegay inay ahaayeen ciidanka dowladda oo gudbinayey gaadiidkaas.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in laba askari uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa iney gaddoomeen saddax baabuur oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Inna Tareega (N3) oo dhuxul siday kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo aan la xiriirnay ayaa VOA-da u sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarka wixii faahfaahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Sidoo kale, maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo loo maleynayo inay weerarkan geysteen ayaan weli sheegan.

XS
SM
MD
LG