Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey shirka Dhuusamareeb


Shirka Dhuusamareeb
Shirka Dhuusamareeb

Shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkan ku baaqay kadib cadaadis xooggan oo ay beesha caalamku ku saartay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya inay xal u helaan muranka ka taagan qabashada doorashada.

Shirkan oo lagu waday inuu furmo shalay ayaa dib u dhacay kadib markii qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay safarkooda dib u dhigeen illaa maanta, waxayna halkaas gaaraan galabta

Maxamed Colaad Xassan ayaa wararkii ugu dambeeyay ee Shirka wax ka weydiiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Dhuusamareeb
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:03 0:00



XS
SM
MD
LG