Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada weerarkii Hotel Afrik oo korortay


Qaraxa Hotel Afrik

Waxaa kordhay tirada khasaarihii ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo goobaha caafimaadka ayaa tirada dhimashada gaarsiinaya ugu yaraan 15 qof. 11 dadkaas ka mid ah ayaa ah shacab iyo saraakiil, halka 4 ay yihiin maleeshiyadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Dadkii weerarkaasi ku dhintay ee meydkooda xalay la helay waxaa ka mid ahaa lamaane aroos ah oo hotelk degenaa.

Wariyaha VOA-da Xaasan Kaafi Qoyste oo booqday qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa warbixintan noo soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:36 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG