Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Beesha caalamka oo soo dhoweysay shirka madaxda Soomaalida


James Swan

Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay shir uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qorshuhu yahay inuu ka dhacayo magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo looga hadli doonoarrimaha doorashada.

Farmaajo ayaa shirkan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada 30-kii bishan, kadib kulan uu Muqdisho kula yeeshay wakiilada beesha caalamka.

Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamka* waxay soo dhaweynayaan ku-dhawaaqista 30kii Janaayo uu Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo. Waxaan bogaadinaynaa hogaamintiisa ku aaddan qabashada shirkaan.”

“Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan.”

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray dalalka hoos ku xusan.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG